Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Oo Wax Ka Badelay Qorshe Siyaasadeedkiisa (Dhageyso)

0

Xildhibaan C/laahi goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa isbedel ku sameeyay qeyb kamid ah siyaasadihiisa uu hore dhaliilaha ugu ifin jiray.

C/laahi Goodax oo shaley baladweyne la tagey Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in loo bahan yahay in dadka shacabka reer hiiraan ay taageeraan Maamulka Hirshabeelle oo uu madaxweyne ka yahay Cali C/laahi Cosoble.

Xildhibaan C/laahi Goodax ooh ore kaga mid aha dadka sida weyn kaga soo horjeeday Maamulka Hirshabeelle dhismihiis ainta uu socday, balse haatan waxaa muuqaneyso in uu badelay siyaasadi uu kaga soo horjeeday maamulka Hirshabeele xili dhawaan uu kamid noqday xildhibaanada cusub ee Aqalka hoose.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa doonaya in C/laahi Goodax uu ku  garabsiiyo sida lagu qancin karo Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf oo weli ka soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa doonaya in dhawaan uu soo magacaabo gole wasiiro balse waxa uu arin muhim ah u arkaa sida uu u qancin lahaa Ugaas xasan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Goodax

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here