Waxaa lagu wadaa in magaalada baladweyne uu maalmaha soo socda uu gaaro wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating.
Shaley waxaa magaalada baladweyne tagey Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble waxa uuna shaaciyay in dhawaan magaladaasi uu gaarayo Micheal Keating.
Keating ayaa la sheegay in sababaha ugu badan ee u tageyo magaalada qeyb ay ka tahay sida uu kulamo u laqaadan lahaa Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo siyaasad ahan weli aan la dhacsaneen maamulka Hirshabeelle.
Micheal Keating ayaa markale isku dayaya in uu wada hadal ku xaliyo arimaha gobolka hiiraan xiligaan ka taagan.
Dhinaca kale madaxwyenaha maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu safarka keating ku sababeeyay u kuur gelida Abaaraha ka jiro gobolka hiiraan.

