Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa la wareegay Labo Garaash oo lagu tuhmaayo in qarax loogu soo xiray gaari ay leedahay Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay oo saakay ku qarxay garaasha ku yaala isla hay’adda oo ku yaala meel ku dhow Garoonka Muqdisho.
Qaraxa kadib Ciidamada NISA ayaa gaaray goobta, waxayna la wareegeen amaanka xarunta ayagoo amar ku bixiyay in la joojiyo howlihii xiligaas ka socday labada garaash oo ku yaala Agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay sagaal ruux oo la tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, ee lagu xiray mid kamid ah gawaariga Shaqaalaha Hay’adda UNDP ee qaramada Midoobay.
Dhanka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakda Al-shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta dibada ayaa sheegay in weerar uu u dhacay sidii loogu talagalay islamarkaana lagu dhaawacay 4-kamid ah shaqaalaha Hay’adda.
Hay’adda UNDP oo mashaariicda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa howlo badan ka heysa Soomaaliya, iyadoo ka qeyb qaadata bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda qaar.

