Qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diyaarinayaan mooshin ay ku dalbanayaan in la fasaxo oo doorashoodooda dib loogu laabanin Shan ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira oo dhawaan amreen Madasha Wadatashiga qaran in dib loosoo doorto.
Xildhibaanada Cusub ayaa sheegay in haatan meel wanaagsan uu marayo mooshin ay diyaarinayaan oo ay ku doonayaan in la fasaxo shanta xildhibaan, si ay ugu mid noqdaan Baarlamanka Federaalka Soomaliya.
Sidoo kale Waxay sheegeen in mooshinkooda uusan aheyn mid wax duminaya, balse ay doonayaan in xildhibaanada aan marnaba laga reebin xubnaha cusub ee gudanaya waajibaadka loo xilsaaray.
Dhawaan Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran ayaa sheegay in 11-kursi oo dhawaan ay laaleen xubnaha Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadabn 5-kamid ah dib loogu laaban doono doorashooda qaarna la fasaxay.

