Boqortooyada Sacuudiga oo Tababaro u Fidineysa 10,000 oo ah Shaqaalaha Soomaalida eeLaga Dhoofiyay Dalka

0

Dowlada Saudi Arabia ayaa waxa ay sheegtay in ay wado tababar xirfadeed oo loo fidanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi loo dhoofiyay sida laga soo xigtay dibloomaasiyiin Soomaaliyeed.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowlada  soomaaliya ayaa la sheegay in uu booqan doono boqortooyada sacuudiga si loo soo xero wajiga 1-aad tababarka loo fidanayo shaqaalo muruq-maal ah oo  Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 10,000 oo soomaali ah kuwaa oo isugu jira rag iyo dumar.

Wada xaajood ay wada qaateen wasiirada  shaqada iyo shaqaalaha oo mudo bilooyin ah socday ayaa laysku raacay in la damaanad qaado xuquuqda shaqaalaha Soomaalida iyo in ay tababaro kala duwan ay helaan.

Safaarada sacuudiga ay ku leedahay  soomaaliya ayaa waxa ay heshay codsiyo kala duwan oo ugu yimid hay’adaha shaqada kuwaa oo lagu tababaraya deegaanada miiga iyo goobo kale oo qaas ah.

Bishii October 2015-kii wasaarada shaqaalaha sacuudiga ayaa sheegtay in albaabada ay u furtay qaadashada shaqaalo Soomaaliyeed.

Si kastaba madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Xasan Shiiq Maxamuud ayaa fasaxay sharciga shaqaaleysiinta iyo dhoofinta gabdhaha Soomaaliyeed ee dalka Sacuudiga.

Janaayo 29-keeda  Wasaaradda Shaqaalaha dalka Sacuudi Carabiya ayaa  ku dhawaaqday in ay albaabada u furtay in ay Soomaaliya kasoo qaadato shaqaalo muruq maal ah.

Iyada oo horay  Dalalka Indonesia iyo Itoobiy ay mamnuuceen Haweenkoodda inay booyaaso  ka noqdaan Boqortooyadda Sacuudi-Caraabiya oo Dumar badan lagu kufsaday,qaarkoodna lagu dilay ayaa waxaa Dawladda Federaalka iyo Sacuudiga kala saxiixdeen heshiis qarsoon oo dhigaya 1,5000-Dumar Soomaaliyeed  inay  shaqaalo u noqdaan Qoysas Sacuudiyaan ah,buuxiyaana boosaskii ay baneeyeen Haweenka Indonisia iyo Itoobiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here