Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dhacdo xanuun badan kadib markii nin Soomali ahaa uu dilay xaaskiisa hore waxaana la sheegay in dilka Haweeneyda kadib isagana uu is dilay.
Nin lagu soo koobay Magaciisa Axmed ayaa geystay falkaan wuxuu dilay xaaskiisa hore oo la oran jirey Deeqo yariisey oo u haysay hal gabar iyadoo kamid aheyd ganacsatada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
“Dhacdadaan waxa ay ka dhacday Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaa dilka geystay nin magaciisa la oran jirey axmed wuxuu dilay xaaskiisa hore oo ayadana la oran jirey deeqo yariisey, labadaba way kala tageen muddo ka hor, shalay ayuu damcay in uu booqdo gabadhiisa oo ay hayso xaaskiisa hore, guriga ayuu tagay waxa uu siday qori AK47 markii irida lagu furey kadib, deeqo oo gabadheeda sinta ku haysa oo ku jirta jikada ayuu rasaas ku bilaabay, ilaahey mahadiisa gabadhii yareyd way ka badbaaday, balse hooyadii ayaa ku dhimatay”, ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika .
Sidoo kale waxa uu sheegay goobjoogaha in markuu dilka geystay kadib Axmed uu isku dayayay in uu baxsado balse ay u suurta galiweysay, wuxuu durbadiisa uu koray saqafka kore ee guriga si uu ugu badbaado.
“Saqafka sare ee Guriga ayuu koray isagoo ka baqayay in ay qabtaan Ciidamada amaanka Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaa lagu amray in uu soo dago, waxa uu sidoo kale ka naxay sida Soomalida isugu soo baxeyn, intaas kadib xabad ayuu isaga duftay Madaxa halkaas ayuu ku dhintay isagana”, ayuu yiri mar kale mid kamid ah dhalinyaro Soomaliyeed eek u nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika .
Kuwani waa Sawirrada Ninka Dilka Geystay




