Madaxweynaha Maamulka Jubba-land oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulkaa ayaa dhaliil u jeediyay Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya.
Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu la yaabay markuu maqlay dambi la qeybsanayo oo uu ku sheegay in ay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ku sameeyeen Maamul Goboleedyada doorashadii ka dhacday.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa tilmaamay in xarumaha Maamul goboleedyada shan ah ay ka dhaceen doorashooyinka islamarkaana 4-maamul lagu celiyay min kursiga marka laga reebo maamulkiisa uu sheegay in uu noqday maamul uusan ka dhicin musuq-maasuq iyo wax isdaba maarin waa siduu hadalka u dhigee.
Guddiga Doorashooyinka ayaa dhawaan dib u celiyay 11-kursi oo Golaha shacabka ah, kuwaasi oo lagu doortay xarumaha Maamul Goboleeyada dalka ka jira,balse go’aankii ugu dambeeyay ay soo saareen xubnaha madasha Wadatashiga ayaa lagu sheegay in 5-kursi la celiyay halka 7-kursig la fasaxay waxaa jira xubin lagu doortay Magaalada Kismaayo.

