C/laahi Xaashi Shuuriye oo ah Safiirka cusub Soomaaliya u qaabilsanaan doono Wadanka Yemen oo la hadlay Warbaahinta Dowladda dalkaasi ayaa sheegay in isbadal wanaagsan uu la imaan doono inta uu hayo howshaani.
Safiirka ayaa xusay in uu kulan la qaatay madaxweynaha Yemen Cabdi Rabbu Mansuur Haadi waxa uuna sheegay in kulankaasi ay kaga wada hadleen xaaladda Soomaalida kunool magaalooyinka ay ka arimiyaan kooxaha kasoo horjeeda Xukuumadda Yemen.
Safiir C/laahi ayaa shaaciyey in uu ku shaqeyn doono Magaalada Cadan oo ah Caasimadda 2-aad ee Wadanka Yemen oo ay iminka ugu gacan jirto Dowladda Caalamka uu aqoon yahay Ee Yemen.
Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in ay ka go’an tahay sii dheereenta Xiriirka walaaltinimo, Midka Siyaasadeed iyo isla shaqeynta kawada dhaxeyso labada dowladood waa Soomaaliya iyo Yemen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan irdaha isugu dhufatay Safaaradii Soomaalida ee Magaalada Sanca ee Caasimadda Yemen kadib markii Magaaladaasi ay u gacan gashay kooxaha xuutiyiinta ah ee kasoo horjeeda Dowladda Yemen maadaama Dowladda Soomaaliya ay la safan tahay isbaheysiga Sacuudiga uu Hogaamiyo.
Soomaalida ugu badan ee ku sugan Yemen waxa ay kunool yihiin Magaalada Sanca oo ah Caasimadda dalkaasi balse Dadka Soomaalida ah ee dalkaasi kunool ayaa inoo sheegay in Safaaradda loo wareejiyey Magaalada Cadan taasine ay saameyn ku yeelan doonto.

