Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Deegaanada Bari ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku hanjabay in sanadkaan bilowga ah ay bilaabi doonaan howlgalo Xarakada Al-shabaab loogu saarayo goobaha ay ku sugan yihiin.
Muumin Xasan Garaad Taliyaha Deegaanada Bari ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la diyaariyay dhamaan ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa howlgalka Xarakada Al-shabaab loogu saarayo deegaanada bari ee hoos yimada Gobolka Hiiraan.
Taliyaha waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaano kooban islamarkaana ay deeganadaas saareen cunaqateen aad u weyn , shacabka deeganada ku nool ay dowladda Soomaliya dhowr jeer oo hore ay ka codsadeen in laga xureeyo Xarakada Al-shabaab, wuu siduu hadalka u dhigee

