Xubno ka mid Baarlaamaanka iyo Wasiirada Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe Ka abaabulaya Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey.
Ku dhawaad 10-Wasiir oo ka tirsan Puntland iyo in ka badan 25-Xildhibaan oo ka tirsan Puntland ayaa lagu Waramaya inay ku biireen mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntand.
Mooshinkaanka oo ay ku biireen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Pyuntland ayey u sheegeen idaacadda Simba Xubna ka mid Xubnaha wada inuu salka ku hayo arimo kala duwan oo loogasoo horjeedo madaxweyne ku xigeenka Puntland,waxaana ka mid ah waxyaabaha uu mooshinku salka ku hayo Qilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Madaxweynaha Putland C/wali Gaas iyo Ku Xigeenkiisa Cameey islamarkaana Mooshinka ay abaabulkiisa ugu xooggan uu ka socdo Madaxtooyada Puntland gaar ahaan qaybta Madaxweyne Gaas.
Waxyaabaha Sidoo kale loo xaqiijiyey in mooshinkaan uu salka ku hayo ayaa waxaa ka mid ah in lagu eedeeyey Madxweyne ku xigeenka Puntland in uu kulamo qarsoodi ah uu kula yeeshay Magaalada Muqdisho xubno kasoo jeeda Soomaaliland oo uu ka mid yahay RW ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayna ka wada hadleen sida ay sheegeen Xubnaha mooshinka wada arimo la xariira heshiis dhax-maray Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma oo hayb ahaan deegaanada Khaatuma uu kasoo jeedo Mr Cameey.
Abaabulka Mooshinka ayaa laga dareemayaa Magaalada caasimadda Puntland ee Garoowe waxaana Xildhibaanada iyo wasiirada mooshinka wada ay sheegeen inay dhawaan warbaahinta usoo badhigidoonaan mooshinkan oo hadda aan shaacsanayn.

