C/nuur Jaamac Maxamed oo ah qabiir xaga amniga oo lasoo shaqeeyay dowladii Dhexe ee Soomaliya oo la hadlay idaacadda simba ayaa ku eedeyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya inay Masuul ka tahay Qaraxyada iyo Falalka amni darada ah ee ka dhacaya dalka.
Waxa uu ku eedeeyay Madaxa dowladda Federaalka Soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Shiikh in ay dayaceen amniga dalka islamarkaana ay shacabka la kulmaan dhibaatooyin kala duwan, ha ugu badbaadaan weerarada ay geystaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale C/nuur Jaamac Maxamed oo ah qabiir xaga amniga ayaa sheegay in beesha oo la sheego in ay taageero dowladda Soomaliya ay qeyb ka tahay dhibaatada Soomaliya ka jira xiligaan.

