Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo lagu soo af-jarayay Colaad mudo dheer u dhaxeysa labo beelood oo wadda dega Gobolkaas.
Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, Guddoomiyaha maamulka gobolka, saraakiisha ciidammada dowladda, kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya iyo odayaal ka tirsan dhinacyada hishiiska gaaray iyo guddigii dhax-dhaxaadinta labada dhinac.
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ugaas beesha xawaadle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in colaadaha kusoo lab-laabatay Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ay yihiin kuwa la siyaasadeeyay, islamarkaana ay lug leeyihiin shaqsiyaadka si weyn loo yaqaano oo doonayo in la iska hor keeno bulshada Gobolka.
”Marka la rabo in colaada la huriyo waxaa la adeegsanayaa labo kooxood oo ka kala tirsan labada dhinac, shacabku ma oga, laakiin iyaga wey is og-yihiin, wey wadda shaqeeyaan, wey showrayaan, xiiriir ayaa ka dhaxeeya, sidaa ay colaad ku fideysaa, ma oran karaa marka fidnidu miyiga ayeey ka soo bilaabatay”, ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Waxaa mudooyinkii dambe Gobolka Hiiraan iyo bartamaha Dhulka Soomaliya ku dagaalamayay Labo Maleeshiyo beeleed, waxaa jirey dhaliilo loo jeedinayay dowladda Federaalka Soomaliya iyo Ciidamada Jabuuti ee halkaas ku sugan.






