Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada garoowe kadib markii uu halkaas gaaray ayaa sheegay in hay’addaha amnigu ay gacanta ku hayaan rag badan oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan dilalkii magaalada Boosaaso loogu geystay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland iyo masuuliyiintii ka horeysay.
Inkstoo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey uu sheegay inuusan hubin in ragga la qabtay yihiin kuwii dilka geystay, hadana wuxuu xaqiijiyay inay qaarkood dhaawacyo qabaan oo lagusoo qabtay howlgal xalay ciidamada maamulka Puntland ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari waxaa bishaan gudaheeda lagu dilay xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo shalay waxaa lagu dilay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

