War Deg Deg:-Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Goordhaweyd La Dilay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in gudaha Magaaladaas goordhaweyd lagu dilay Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa Ala Ha u Naxariistee Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland C/kariin Xasan Fardhiye dilay,  iyagoo ku dhuftay dhowr xabadood, waxaa u suurta gashay in ay goobta isaga baxsadaan.

Magaalada Boosaaso waxaa bishaan gudaheeda lagu dilay  xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo maanta oo la dilay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here