Maamulka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa shaaciyay in Maalinta Talaada ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 27/12/2016 la qaban doono Xaflada dhaarinta Xildhibanaada labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.
C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in maalinta Talaada ah la dhaarin doono Xildhibaanada labada aqal ee dalka.
“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee Guddiga Heer Federaal Doorashooyinka Dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada Xildhibaanada ku guuleystay xubinnimada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaanada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xoghayaha.
Sidoo kale C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay in dhaarinta Xildhibanada labada aqal ay bilaaban doono saacada marka ay tahay 09:00-subaxnimo.

