Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo mudooyinkii ugu dambeeyay kulan ku lahaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa kulankooda kasoo saaray War murtiyeedka ay kaga hadlayaan Qodobada ay ku heshiiyeen.
Qodobada inta uu shirka socday diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, oo Maamulada Somali-land iyo Puntland isku hayeen xubnaha xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag.
4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.
4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:
Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta
- Somaliland——–11 kursi————–3 kursi————————-—14 kursi
- Puntland———-11 kursi—————3 kursi————————-—14 kursi
- Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
- Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
- K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi
- Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi————————-—-11 kursi
Wadart————–54——–————18—————-———————-72

