Wararka ka imaanaya deegaanka Tareedishe uu duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax miino oo dhulka Lagu aasay in goordhaweyd uu ka dhacay deegaankaas.
Qaraxa miino ayaa la xaqiijiyay in uusan geysan wax qasaaro ah oo soo gaaray dadka shacab-ka ah.
Gudoomiyaha deegaanka Tareedishe uu duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Garyare oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku daba jireen ninka aasay miinada, islamarkaana saakay uu qarxiyay.
Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Tareedishe uu duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Garyare ayaa tilmaamay in Ciidamada amaanka ay durbadiiba ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ruuxii ka dambeeyay qaraxa dhawaana lasoo bandhigi doono.

