Weerar Gaari Xamuul Loo Adeegsaday oo Ka dhacay Dalka Jarmalka+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 9-ruux ayaa ku dhimatay kadib markii weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah uu  ka dhacay suuq Chrismaska, oo ku yaala Galbeedka Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Gaarigan, ayaa lagu weeraray suuqaasi, xilli mashquul uu ka jiray. Muuqaalo laga soo qaaday ayaa waxaa ka soo muuqday dad cararaaya iyo kuwo kaloo dhulka yaala.

Shaqaalaha caafimaadka, ayaa goobtaasi ka qaaday meydadka 9 qof iyo dhaawaca 50 kale, waxaana weerarkaasi loo soo qabtay hal nin, oo la tuhunsan yahay in uu yahay ninkii gaariga kaxeynaayay.

Ninkan, ayaa sida la sheegay ka cararay halkii uu weerarku ka dhacay, hase ahaatee ay laamaha ammaanku ka soo qabteen meel 100 tallaabo ka baxsan halkaasi.

14821884217ae0e.jpg148218842727f7c.jpg148218842778f00.jpg14821884293c488.jpg14821884306b9b3.jpg1482188431471cb.jpg148218841399c17.jpg1482188414e8f91.jpg14821884150a593.jpg14821884176206b.jpg148218841855728.jpg148218842069511.jpg

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here