Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya laga xusayaa xuska 73 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December.
Xaflad si heer sare loo agaasimay ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta Ciidamada Booliska Soomaliyeed ee Janeraal Kaahiye waxaana la filiyaa in ay ka qeyb galayaan madax ka tirsan dowladda Soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud, xubno ka tirsan Labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaliya.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay Saakay iyadoo wadooyinka muhiimka ah lagu arkayo Ciidamo ka Tirsan kuwa booliska oo sugaya amaanka, inta ay socoto xafladda ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo gaadi ka cayaar iyo sidoo kale ruwaayado ka tarjumaya ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo Hambalyo ku aadan xuska 73 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December oo ah maalinta berrito u diray dhamaan Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Dambleyda iyo dhamaan Ciidanka Booliska iyo xaasaskooda in Sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
20-kii December sanadkii 1943 ayay ahayd markii la unkay ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ay maalinta berito ah ku beegantahay 20 december oo ah 73 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska.

