Waxaa hakad ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayeen Madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedyada oo saddexdii maalin aynu soo dhaafnay ka socday magaalada muqdisho.
Hogaamiyayaasha shirka ka qeyb galayay ayaa la ogaaday in aysan isku fahim qodobadii lagu muransanaa ee kala ahaa muranka ka taagan Xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin maamulka Somali-land iyo Puntland, arinta laalida 11-xildhibaan aqalka Hoose oo dhawaan lagu doortay xarumaha Maamul Goboleedyada ay dhawaan laaleen Guddiga Doorashooyinka Soomaliya.
Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa ah kuwo caajisay shirkan aan dhamaadka laheyn, waxaana shirarka maalmahan socday ka maqnaa marba madax, sida Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan labadii maalmood soo xaadirin, Madaxweynaha Jubbaland oo ka baaaqsaday, Kismaayana aan soo dhaafin, Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo si goos goos shirka u tagayay.
Dhanka kale Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shalay galinkii dambe u amba-baxay dalka Kenya waxaa la aaminsan yahay in uu halkaas kasii wadi doono Olihiisa doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

