Madaxweynaha Kenya oo Ka Codsaday Midowga Yurub in La Kordhiyo Taageerada La Siiyo AMISOM

0

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka codsaday Ururka Midowga yurub in la kordhiyo Taageerada la siiyo Ciidmada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan, oo dagaal kula jiro Xarakada Shabaab.

Waxa uu ku booriyay Ururka midowga yurub in ay siiwadaan taageerada dhaqaale si’xasiloonida gobalka ay u noqoto mid laysku haleyn karo oo ka madax banaan weeraryahanada  Xarakada al shabaab ay geystaan.

“Wax badan ayaa la’gaari karaa hadii ciidamada nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee AMISOM laga taageero baahidooda si ay waxbadan u qabtaan”, ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Hadalkaan ayuu ka jeediyay  Madaxweyne Kenyatta kulanka Baarlamaanka midowga yurub, isga oo hoosta ka xariiqay in isbadal wanaagsan ay u horseedi karaan midowga yurub ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM isaga oo ku daray in gabi ahaanba amaanka geeska Afrika uu wanaagsanan karo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here