Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa ku amray qaxootiga ku nool xerada Dadaab ee dalka Kenya in ay markale dib isu diiwaan geliyaan.
Joseph ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore Qaxootigu isdiiwaan geliyeen balse imika loo baahanyahay tirade saxda ah ee qaxootiga ku nool xeryaha dalkaasi Kenya in la’ogaado maadama qaxooti fara badan soomaaliya ay dib ugu soo laabteen.
Waxaa uu tilmaamay in baaritaano badan ay ku hayaan kiisaska qaxootiga sida joogta ah u sameeya taa oo ah in ay isku diiwaan geliyaan muwaadin Kenyan ah oo gacmo badan ay ku lug leeyihiin.
Wasiirka ayaa waxa uu cadeeyay in howlgalkaan lagu kala saarayo qaxootiga dalkaasi u dhashay ee kenyatiga ah iyo waliba muhaajiriinta halkaasi tagay qaxooti ahaan isla markaan dib isku diiwaan gelinta maanta ay bilaawaneyso iyada oo ay ku egtahay 31 December ee Sanadkan 2016-ka
Hadalka wasiirka arimaha gudaha ee Kenya ayaa imaanaya kadib markii dowlada Kenya ay dib u dhigtay xeritaanka xerada ugu weyn ee Dhadaab oo dhowr jeer oo horay ay ku hanjabtay in ay xireyso, balse hay’adda qaramada midoobe u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ka codsatay in ay dib u dhigto xeritaanka xeradaasi iyada oo la sheegay in la’xeri doono bisha May sanadka 2017-ka.
Xerada Dadaab ayaa hada waxa ay tahay guriga dad lagu qiyaasay 350,000 waxaana la furay sanadii 1991-kii waana hooy ku meel gaar u ah soomaalida ka barakacday dalkooda hooyo kadib markii dagaalo sokeeye iyo dirir dhiig badan ku daatay dalka ay ka qarxeen.

