Madaxweynaha Jubba-land oo Kismaayo Kula Kulmay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa manta kulankii ugu danbeeyay Kismaayo kula yeeshay Safiirka Dowlada Ingiriiska u joogtay Soomaaliya Harriet Mathews oo wakhtigii Safiirnimo uu u dhamaaday.

Kulankan oo ahaa kala warqaadasho iyo is macasalaamayn ayaa waxaa Madaxweynaha iyo Safiirku ay ka wada hadleen Arimaha nabad galyada guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlgalka Wabiga Jubba oo qorshahiisu uu socda waxaana Harriet Mathews ay sheegtay in Dowlada UK ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato hawlgalkaas isla markana ay tageerayaan Ciidamada Jubbaland.

Arimaha Doorashooyinka ayay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya sheegtay in ay aad ula dheceen sidii habsamida lahayd ee Xildhibaanada Cusub loogu doortay Kismaayo iyadoo Jubbaland ka codsatay in ay sii wadaan doorkooda la xiriira habsami u socodka Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Dowlada Uk uga mahad Celiyay kaalmada ay la garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland iyo dadaalkooda xasilinta Nabadgalyada ee ay ka wadaan Soomaaliya iyo tageerada kale ee ay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu xusay in mudadii Harriet Mathews ay ka shaqaynaysay Soomaaliya ay qabatay shaqo badan oo Muhiim u ah Soomaalida isla markana ay gacan ka gaysatay Hormarka nabadlagyada iyo Siyaasada ee Soomaaliya ka jira.

—DHAMMAAD—

15440528_789423647865205_2886163603566992950_o 15493697_789423654531871_5070808943333417616_o 15591640_789424694531767_2877588248603879960_o 15665514_789423651198538_7606206197244736005_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here