Deegaanada Khaatumo State oo Loogu Dhawaaqay Wax Dhibaato Ku ah Maamulka Somali-land

0

Wararka ka imaanaya Khaatumo State ayaa ku waramaya in halkaas loogu dhawaaqay jabhad loogu magacdaray Jabhadda Xoreynta deegaannada Khaatumo ka maqan, sababaha ugu weyn ee loo aas-aasay ayaa lagu sheegay la dagaalanta Maamulka Somali-land.

Faysal Falaalug oo ahaa wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Khaatumo, ayaa laga dhigay Gudoomiyaha  Jabhaddan iyadoo ku xigeenna yahay Bashiir Maxamed Xirsi oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Khaatumo State.

Gudoomiyaha jabhad loogu magacdaray Jabhadda Xoreynta deegaannada Khaatumo Faysal Falaalug oo hadlayay ayaa sheegay in Jabhadaan ay noqon doonto mid Somali-land ka saarta deegaanada ay xaqa u leedahay Khaatumo ee gacanta ugu jira.

Waxaa haatan Muuqata in uu burburay wada-hadal u socday Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State, oo lagu dhameyn lahaaa qilaafka labada Maamul ka dhaxeeyay sanadihii uu dambeeyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here