Bulshada Ku Nool Gobolka Shabeelaha Hoose oo Walaac Ka Muujisay Dacadiyada AMISOM+Sawirro

0

Dadka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wali hadal haya dhacdadii Ciidamada Midowga Midowga Afrika Amisom ay ku laayeen dad shacab ahaa, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolkaas ku dhaqan ay walaac ka muujiyeen arintaas.

Sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya sida naxariis darada leh ee Ciidamada Midowga Midowga Afrika Amisom ay u laayeen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan kuwaasi oo qaarkood ay ku dileen guryahooda,halka kuwa kalana ay dileen iyagoo safar ku jira.

Dhacdada kowaad ayaa ka dhacday degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii Ciidamada Midowga Afrika Amisom ay ku dhufteen qoriga loo yaqaano Baasuukaha gaari qudaar sida oo marayay halka loo yaqaan Xero Koowaad ee ku taala duleedka degmada Qoryooley.

Dhacdada Labaad ayaa ka dhacday deegaanka Ceel-wareegow oo hoos yimaada Magaalada Marka ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa lagu dilay 4-qof oo isku qoys ahaa kadib markii hoygii ay daganaayeen uu galay mid kamid ah gaawaarida Ciidamada AMISOM oo wadada ka baxay, xili qarax miino lala eegtay.

1482130290a23cb.jpg1482130292e09bb.jpg1482130296da891.jpg1482130298a8456.jpg1482130285b79eb.jpg1482130285b79eb.jpg

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here