Xili ay soo baxeyn warar ku aadan in deeganada Maamulka Puntland lagu baahiyay buug loogu gafayo diinta Islaamka ayaa arintaas waxaa digniino culus kasoo saaray Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland.
Cumar Cabdulaahi Maxamed (Faraweyne), Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa uga digay shacabka gobolka buug loogu gafayo diinta Islaamka oo dhawaan lagu faafiyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo tilmaamay in cidii lagu arko in tilaabo adag laga qaadi doono maadaama uu yahay buug ay ku qoran yihiin kalmado gefka ku ah diinta islaamka
Sidoo kale, Cumar Cabdulaahi Maxamed (Faraweyne), Gudoomiyaha Gobolka Nugaal e Maamulka Puntland ayaa sheegay inay la xisaabtamidoonaan cidii buugaan soo bandhigtay iyo qof walba oo uu ku lug lahaa faafintiisa.
Wasaaradda diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Puntland ayaa beenisay in deeganada Maamulkaas lagu faafiyay buug loogu gafayo diinta Islaamka, islamarkaana ay wararkaas baahiyeen dad kasoo horjeeda Puntland.

