Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga oo Isku Maandhaafsan Sida Laga Yeelayo 11-ka kursi ee La Laalay

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa  wali ka socda Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Soomaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Qodobada shirka diirada lagu saarayo waxaa kamid ah muranka ka taagan Xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin maamulka Somali-land iyo Puntland, arinta laalida 11-xildhibaan  aqalka Hoose oo dhawaan lagu doortay xarumaha Maamul Goboleedyada ay dhawaan laaleen Guddiga  Doorashooyinka Soomaliya.

Kulan xalay dhacay oo gaaray xili dambe ayaa diirada lagu saaray sida ugu macquulsan ee lagu xalin karo xubnaha ay laaleen Guddiga doorashooyinka Soomaliya.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa warbixin dheer laga dhageystay shirkii shalay oo ilaa xalay gaaray  ayaa  faah faahiyay qaabka loo xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24 kursi oo horay Beesha Caalamka loo gudbiyay inay ahaayeen kuwo dacwadaha iyo cabashada laga keenay.

Sidoo kale Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isku maandhaafsan sida laga yeelayo 11-ka kursi ee Guddiga doorashooyinka uu dhowaan laalay, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada ay dalbanayaan in sidooda loo daayo, maadaama ay raalli ka yihiin, aysan suurta gal aheyn in dib loogu laabto doorasho kale.

Shirkaan waxaa shir gudoominaya   Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Sheekh, waxaana ka qeyb galaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Jawaari, Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , Raisul wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carteh Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Puntland,balse waxaa shirka ka maqan Madaxweynaha Maamulka Jubba-land axmed Maxamed islaam Madoobe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here