Dowladda oo La Xisaabtan Ka Sameenaysa Tacadiyada ay AMISOM U Geystaan Shacabka

0

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa oo ka hadlayay Tacadiyada ay Geysteen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay in dowladda Soomaliya la xisaabtan ay ka sameyn doonto arintaas.

Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan dalka ku joogin si xoog ah, balse ay ku joogaan hishiis dhexmaray dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika, balse wax aanla aqbali Karin ay tahay in ay dadka Soomaliyeed tacadiyo u geysteen iyadoo aan sidoo kale dabagal aan lagu sameenin.

“Ciidamo badan oo ka socda wadamada afrika ee Jooga Soomaliya  ayaan wadamooda kala xisaabtami doonaa Tacadiyada ay u geystaan shacabka Soomaliyeed,askartii ay arrimahaas ku cadaadaan waxa ay waayi doonaan shaqada ay ka hayeen dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu xukumayaa xabsi daa’in”, ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed cali daahir

Gaari ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM  gaar ahaan kuwa Booliska oo marayay KM4 ayaa jiiray Haweeney Soomaliyeed, maalintii Khamiista Aheyd.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war ay soo saareen shalay ayay kaga hadleen Gaari ay leeyihiin Ciidmada police-ka Amisom o o marayay inta u dhaxeysay wadada KM4 iyo airport-ka Magaalada Mogadishu kaa oo jiiray haweeneey Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in baaritaano la sameyn doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here