Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM uu diiday dalab uga yimid Maamul goboleedyada oo ahaa inuu ka qeyb qaato soo daabulida Xildhibaanadii lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada, kuwaasoo aan wali soo gaarin magaalada Muqdisho.
Waxaa xiligaan dib u dhac laga dareemayaa xiligii lagu balansanaa in Magaalada Muqdisho ay gabi ahaanba ay soo gaaraan Xildhibaanada Labada aqal ee lagu doortay xarumaha Maamul Goboleedyada, sidoo kale waxaa dib u dhacay xiligii lagu balasana Dhaarinta Xildhibaanada la doortay.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaliya ee USOM uu diiday diyaarado lagu daabulo Xildhibaanada laga soo doortay xarumaha maamul goboleedyada, kuwaasoo diyaarad la’aan ah.
Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa laga dalbaday inuu ogolaado diyaaradaha Qaramada Midoobey in Xildhibaanada looga soo qaado xarumihii lagu doortay, waxaana la sheegay inuu diiday, isagoo ugu baaqay maamul goboleedyada inay soo daabulaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanadooda.
Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa horay bixin jiray tasiilaadka diyaaradaha loo diri jiray Madaxda maamul goboleedyada ee ka soo qaadi jiray xarumahooda, isla markaana keenayay magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Diiwaan gelinta Xildhibaanada iyo shahaado siinta ayaa u socon sidii la filayay, waxaana illaa iyo hada la diiwaan geliyay illaa 128 Xildhibaan iyo sodomeeyo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana tani ay dib u sii dhigeysa jadwalkii horay loo soo saaray ee ku aadanaa xilliyada ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

