Warar Idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ay kulan ka yeesheen sidii ay u fasaxi lahaayeen gaadiid horraan lagu xanibay koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ah gaadiidka qaadi jiray qudaarta ee u gudbijiray Woqooyiga Gaalkacyo.
Gaadiidkan ayaa xanibaad la saaray kadib markii Maamulka Puntland uu Ka mamnuucay gaadiidkii xamuulka Ganacsiga keeni jiray koonfurta gaalkacyo waxaana intaa wixii ka dambeeyey Galmudug ay joojisay in gaadiidka qudaarta ka qaadi-jiray koonfurta Soomaaliya ay u gudbaan dhanka woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.
Kulan ay xalay illaa maanta ay Gaalkacyo ku yeesheen masuuliyiinta Galmudug ayaa looga hadlay sidii loo fasaxi lahaa gaadiidka khudaarta geynjiray woqooyiga magaalada Gaalkacyo,waxaana goobta kulanku uu ka dhacayey ku sugnaa madaxda gobolka mudug oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka mudug c/rashiid xaashi Cartan duqa Degmada gaalkacyo xirsi yuusuf barre iyo masuuliyiin kale.
Waxyaabaha kasoo baxay kulanka ee lagu go’aamiyey ayaa waxaa ka mid ah in la fasaxo gaadiidka iyo in masuuliyiinta labada maamul ay yeeshaan wada hadal arintaan lagu shaacinaayo iyo arimo kale.
Bilo ka hor ayey ahayd markii masuuliyiinta labad Maamul ee Puntland iyo Galmudug uu mid walba joojiyey gaadiidkii dhankiisa kaga imaanjiray dhanka kale,waxaana sare u kacay qiimaha qudaarta oo Galmudug dhankeedu ay ka joojisay dhanka Puntland.

