Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan Maamulkaas oo ka Cabanaya Mushaar in ay la goysteen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Midowga Afrika Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ee halkaas ku sugan.
Ciidamada ka tirsan Galmudug ee ka cabanaya Musharaar La’aanta ayaa la sheegay in si xoog ah ula baxsadeen Gaariga Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, waxaana haatan la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Dhaka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamadaan ka cabanaya mushaar la’aan ay suurta gal tahay in ay isku dhiibaan Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee ka arimaha qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

