Waxaa xaley magaalada muqdisho lagu qabtay Munaasabad Shahaadooyinka xildhibaanada lagu gudoonsiinayay Labo xubnood oo shaley laga reebay kamid noqoshada xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya.
Munaasabad uu goob joog ka aha Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ka dhacday muqdisho ayaa waxaa shahaadooyinka xildhibaanimo lagu gudoonsiiyay C/Casiis saalax carmaan iyo Wasiirka dhalinyrada iyo ciyaaraha xukumada soomaaliya Maxamed c/laahi nuux oo labadoodaba shaley guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ay sheegeen in kuraastaasi la hakiyay islamarkaana xubnahan aysan kamid noqon Karin Baarlamaanka soomaaliya dibna loo soo doorandoono.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladdda soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux ayaa logu joojiyay doorashada shaqaaqadi ka dhacday magaalada jowhar taas oo uu ku lug lahaa isaga iyo Muhsrax la tartamayey.
Dhinaca kale maamulka puntland ayaa iska diiday in ay aqbalaan in dib loo soo doorto labo kursi oo shaley iyagana laga reebay islamarkaana dib logu celiyay.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koonfurgalbeed ayaa ayaa shaaciyay in aysan aqbali arin in xildhbaanada ugu badan iyaga kaliyah lagu soo celiyo arintaana ay tahay cadaalad daro.



Xuquuqda Qoraal waxaa leh Radio Simba

