Maxkamadda Magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka jubba-land ayaa xukun dil ah ku riday Nin eedeysane ah oo lagu eedeeyay in uu dilay nin 60-sano jir ahaa oo ku sugnaa gudaha Magaaladaas.
Ninka odeyga ahaa ee la dilay iyo ninka dilka geystay ayaa la sheegay in ay ku murmeen shaqsiga ay u dooran lahaayeen kursiga xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulk Jubba-land, dilka ayaa dhacay 4-tii Bishii November aynu soo dhaafnay.
Eedeysnaha dilka geystay ayaa maxkamada horteeda ka qirtay inuu geystay falkaasi dilka ah, waxaana Garsooraha maxkamada uu ku dhawaaqay xukunkiisa inuu yahay dil toogasho ah,Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Cumar Faarax Ismaaciil wuxuuna horay u dilay C/raxmaan Maxamuud Carab oo 60 jir ahaa, kaasi oo dilkiisa uu u adeegsaday Tooreey (Mindi).

