Madax Ka Tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Ka Qeyb Galay Doorashadii Ka Dhacday Ghana+Sawirro

0

Mas’uuliyiin ka Tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) ayaa kasoo qeyb qaatay soona arkay doorashooyinka ka dhacay wadanka Ghana si ay casharro waxtar leh uga soo qaataan islamarkaana u qorsheeyaan uguna diyaar garoobaan dhinaca doorashada hal qof, hal cod ee 2020 .

Labo sarkaal oo kala ah Guddoomiye ku-xigeen NIEC, Sayid Ali Sheikh Mohamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Said Hashi Warsame oo qayb ka ahaa hawlgalka Midowga Afrika (AU) aya si dhow ula socday iyagoo ka qeyb galay doorashadii ka dhacday dalka Ghana oo lagu doortay Hogaamiye Cusub.

Guddoomiye ku-xigeen Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), Sayid Ali Sheikh Mohamed ayaa sheegay In wax badan ay kasoo barteen doorashadii ka dhacday dalka Ghana, isagoo sheegay in ay xiligaan u diyaar garoobayaan  dooorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

llllllllllllll ffffffffffffff

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here