Masuq-maasuqa Ka Jira Soomaliya oo Sabab u Noqday Xaaladaha Bani’aadanimo

0

Ururka Caalamiga ah ee darsa Xaalada Masuqmaasuqa Aduunka  (Transparency International) iyo Ururka ka hortaga masuqmaasuqa ayaa ka codsaday dowlada soomaaliya, hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha arimaha bini’aadanimo in ay talaabo ka qaadaan masuq-maasuqa xoogan oo soomaaliya ka jira, kaas oo sabababy in baahida bini’aadan’nimo   ee ka jirta dalka Soomaaliya  heerkii ugu sareysay in ay gaartay, islamarkaana loo baahanyahay in gargaar la gaarsiiyo gaar ahaan koofurta soomaliya.

Ururka ayaa sheegay qilaafyada ka socda Soomaaliya iyo marxaladaha deg-daga ah ee ka jira dalka in ay sababtay barabaxa malaayiin shacab ah oo guryahooda ka firxada.

Waxa hay’adu ay  sheegtay in dalka Soomaaliya  uu kujiro xaalad gaabis ah taa oo keentay gaajo, roob yari,dalaga oo aan lagu ran, iyo masiibooyinkale oo dabiici ah.

Ku dhawaad 5 Million oo qof oo Soomaali ah ayeey sheegtay in ay u baahanyihiin in noloshooda la caawiyo.

Hay’adda ayaa tilmaamtay in gabi’ahaanba  masuq-maasuq xoogan uu hareeyay barnaamijyada bini’aadan nimo marka laga soo bilaabo xafiisyada ugu sareeya ee dalka Kenya oo loo soo marsiiyo gar’gaarka bini aadanimo ee kajira Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here