Madaxweynaha oo Sheegay in Abaarta Soomaliya Looga Bixi Karo Gurmad aan Loo Kala Harin+Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in abaaraha xooggan ee ku dhuftay Gobolada dalka  Soomaaliya in looga bixi karo Gurmad aan loo kala harin oo la sameeyo.

“Maanta waa maalinta loo baahan yahay  Xoolahaaga ay ku jiro Sharaf, Walaaltinimo, Ardeyda iskuulada, kuwa Jaamacadaha, ha is abaabulaan oo ha u gurmadaan dadka abaaraha ay saameeyeen, maanta anaga ayay inoo baahan yihiin dadkaas”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka gobollada abaaraha ay ku dhufteen islamarkaana ugu baaqay Culumaa’udiinka, Ururada Dhallinyarada, Ururada Haweenka iyo dhammaan ururada Bulshadda Rayidka ah inay billaabaan dhaqaalo ururin si gurmad loogu fidiyo gobollada abaaraha ay ka jiraan gaar ahaan gobollada Woqooyi, Bartahama iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Saxaafada Soomaaliyeed inay qabtaan barnaamijyo wacyigelin ah oo bulshada looga dalbanayo inay isu gurmadaan si uu qof walba u helo fursad uu ku caawin karo walalaha abaaraha ay saameeyeen,Madaxweynaha ayaa kaga mahad-celiyey saxaafadda Soomaaliyeed sida ay u tabiso wararka ku saabsan abaaraha dalka ka jira si umadda Soomaaliyeed ay dhexdood iskugu gurmadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here