Madaxweynaha “Xiriirka Ka Dhaxeeya Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta waa Mid wanaagsan, Wuuna Sii jiri Doonaa”,

0

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Sheekh Sayd iyo xarunta safaaradda Imaaraadka Carabra uu ku leedahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya , isagoo beeniyay in uu xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyay dowladda imaaraadka carabta iyo Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa marka hore waxa uu booqdey Isbitaalka Sheekh Sayd ee dowladda Imaaraadku ay ka dhistay  magaalada Muqdisho, kaas oo lagu daweeyo dadka deggan Caasimadda si lacag la’aan ah.

Madaxweynaha  Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehliyey Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka safiirka, ayaa soo indha-indheeyey qeybaha Isbitaalka uu ka kooban yahay, waxaana uu warbixinno ka dhageystay howl-wadeenna iyo Dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaali.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqdey Safaaradda dowladda Imaaraadka ay ku leedahay Magaalada Moqdisho ee Caasimada Soomaliya , iyadoo ujeedka lagu sheegay muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

“Ujeedka booqasho aan ku tagay Safaaradda Sooamaliya iyo Isbitaalka Sheekh Sayd  Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho waxa ay muujinaysaa sida uu u wanaagsan xiriirka labada, wararka qaar aynu maqlayno ee ah waxaa xumaaday xiriirka labada dal waa waxba kama jiraan”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud .

Hadalka Madaxweynaha  Soomaliya ayaa kusoo beegamaya xili dhawanahaan ay soo baxayeen warar ku aadan in dowladda Imaaraadka Carabta ay loolan ugu jirto sidii hogaamiye  fuliya danahaan dowladaas in laga dhigo madaxweynaha Soomaliya doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here