Madaxweynaha oo Ku Dhawaaqay Xiliga uu Furmayo Fadhigii ugu Horreeyey ee Baarlamaanka Cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxauud ayaa sheegay in 15-ka bishaan uu furmi doono fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka cusub, isagoo dhanka kalena ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay abaaraha saameeyeen.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa farriintiisa ku biilaabay, tacsi uu diray shacbiga, taas oo ku aaddan dhibaatooyinka ay argagixisada u gaysteen, wuxuuna ciidammada ammaanka Soomaaliya ku ammaanay doorka fir-fircoon ee ay ka qaataan , ka hortagidda nabad-diidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay mar kale in dagaalka Soomaaliya ku jirto uu yahay mid caalami ah kana dhan ah argagixisada, shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay in ay qaybtooda ka qaataan dagaalkaasi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya 47-sanno kaddib  ay doorashooyin ka dhacayaan,  taasoo lagu gaaray bisayl siyaasadeed oo dadka Soomaalida ah ay sameeyeen, waxa uu ku ammaanay dowlad gobolleedyada iyo guddiga arrimahaasi ku howlahan sida ay u guteen waajibaadkooda.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka labada aqal ee cusub uu furmi doono sida qorshuhu yahay 15-ka bishaan, gacantana lagu hayo howshaasi, isagoo faray maamulka Barlamaanka in ay dadajintaan qabsoomidda kulankaasi oo ay dhaarinta xildhibaannada  ay ka mid tahay.

ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa  farriin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed “gobollada Jamhuuriyadda oo dhan waxaa ka jira abaaro xooggan, waajib ayayna nagu tahay inaan gurmad u fidinno dadkeenna,  waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed qayb walba in ay u istaagaan badbaadinta dadkeenna gaajada u dhimanaya”

Hadalkan madaxweynaha ayaa soo baxay xilli Soomaaliya ay wajahyso labada xaaladood oo kala ah Doorashooyinka oo ah horumar wayn iyo Abaaraha oo ah xaalad Culayskeeda leh aadna u adag, taasi oo Soomaalida looga baahan yahay in ay muujiyaan iskaashigii looga gudbi lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here