Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadan’nimada ayaa sheegtay in ka badan 29 million oo qof oo ku nool geeska Africa in ay u baahanyihiin gargaar cunto.
Xafiiska Qaramada midoobay ay ku leedahay bariga qaarada Africa ee u qaabilsan arimaha bini’aadanimada oo loo yaqaano (OCHA) ayaa soo bandhigay in 18% ay kor u kacday baahida loo qabo cunada bulshada ku nool geeska Africa intii lagu gudajiray sanadkan 2016-ka.
Gobalka geeska Africa waxaa soo wajahay harumar la’aan ku aadan xili gurashada dalaga gaar ahaan waqooyi bari iyo geeska qaarada Africa oo ay ugu wacantahay hoos u dhac ku yimid xili roobaadkii la filan jiray. Sidaasi waxaa sheegtay Hay’ada qaramada midoobe u qaabilsan arimaha biniaadan’nimada ee OCHA.
Waxaa sidoo kale la sheegay in amni daro dhanka cunada ah ay kajirto goobaha amnigooda halista yahay oo ay kamid tahay Somalia,kuufurta suudaan iyo dalka Burundi oo sidoo kale roobla’aan iyo xiliyo adag ku guda-jira.
Warbixinta OCHA ayaa sidoo kale lagu sheegay in qilaafyada ka taagan soomaaliya iyo koofurta suudaan in ay yihiin dalalka sida wayn ugu baahan gargaar bini-aadaninimo iyada oo ay ka jiraan hurin colaad iyo Baraka bulshooyinka dalalkan oo ku fidayay xuduudaha dalalka jaarka la’ah.
Waqtiyada qaar ayaa la sheegay in shacabkooda ay wajahaan abaar daba dheeraata iyo daadat dadka iyo duunyadaba saameeya.
Qaramada midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka barakacayaasha ah ay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ku aadan sidii ay kaga baxsan lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin oo amni daro iyo cuni yari ay ku soo wajahday iyada oo ay sii xumaaneeyso nolosha caruurtooda oo xaalad nafaqa daro ay soo wajahday gaar ahaan dalka koofurta Suudaan.

