Inta la xaqiijiyay 22-ruux ayaa ku dhimatay 35-kalana way ku dhaawacmeen kadib qarax xoogan oo ka dhacay goob kaniisad ah oo ku taala Magaalada Qaahira sida uu baahiyay TV-ga qaranka Masar.
Qaraxa ayaa ka dhacay daqiiqado ka hor xarun kaniisad oo lagu magacaabo St Mark’s Cathedral oo ku taala bartamaha Magaalada qaahira ee dalka Masar.
St Mark ee Cathedral waa fadhigii Masar ee Orthodox Christian kiniisaddi, waxay sidoo kale hoy u tahay iyo xafiis hoggaamiyaha ruuxiga ah, Pope Tawadros II.

