Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa beenisay in Xoolaha Soomaliya uu Xanuun ku dhacay, xili Dowladda Sacuudiga ay sheegtay in ay xanuun san yihiin Xoolaha Soomaliya islamarkaana aan loo dhoofin Karin dalkaas.
Saciid Xuseen Ciid oo ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaanay aaminsanayn in xoolaha Soomaalida uu xanuun ku dhacay, wuxuuna sheegay inay haatan bilaabeen baadhis rasmi ah oo ay ku ogaanayaan sababta dawladda Sucuudigu xustay inay jirto iyo in kale.
“Ka xukuumad ahaan ma aaminsanin in Xanuun uu ku dhacay Xoolaha Soomaliya hadii ay arintaas jirto baaritan ayaan bilownay aan ku ogaanayno hadal dowladda Sacuudiga ay ku sheegtay in Xoolaha Soomaliya ay xanuunsan yihiin”, ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaliya “
Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa la wadaagay warbaahinta qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

