Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Bini’aaddannimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in degmada Qandala ee Gobolka Bari ay ka barakaceen dad aad u fara badan kadib markii muddo ku dhow labo bil ay ku dagaalameen Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kuwa Ururka Daacish.
OCHA waxa ay ka deyrisay xaaladda ay xiligaan ku nool yihiin dadkii ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari, waxayna sheegtay in dadka barakacay ay u badan yihiin Haween, Carruur iyo Dad waayeel ah, kuwaasoo u barakacay Tuulooyin ku hareereysan Degmada Qandala, halka kuwa kalena ay aadeen Magaalada Boosaaso oo 75 KM u jirta Qandala.
Inkastoo Degmada Qandala ee Gobolka bari laga saaray dagaalyahanada kooxda daacish, OCHA ayaa dalbanaysa in gurmad lala gaaro dadkaas, iyadoo saaxibada Caalamka ku codsatay in ay u istaagaan garab istaaga dadkaas

