Safar Labo Maalin Qaatay Kadib Madaxweynaha Soomaliya uu Kusoo Laabtay Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo safar labo maalin qaatay ku tagay magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Intuu ku sugnaa Madaxweynaha Magaalada Kismaayo waxaa uu kula kulmay Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubba-land, xubnaha labada aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ee kamid noqonaya baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Madaxweynaha oo kulan saacado badan socday Kismaayo kula qaatay Xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka sare ee ka imaanaya deegaanada maamulkaas ayaa kula dardaarmay in si hufan ay ugu shaqeeyaan shacabka ay matalayaan islamarkaana ay guul tahay in deeganooda lagu doorto halka markii hore lagu dooran jirey goobo kale.

” Shacabka aad wakiil uga noqeysaan Baarlamaanka oo idinku aaminay inaad wakiil uga noqotaan danaha Qaranka ayaa idin ka sugaya waajibaadkiina . Allaah ayaa mahad leh maanta waxay Soomaaliya mareysaa in dad heerarkooda kala duwan oo ay iyagu wakiisheen u doortaan danahooda, oo haddii ay Baarlamaan dowlad Gobolleed iyo madaxdooda tahay ee ay shacabka degaanka u doorteen in ay ka shaqeeyaan amuurahooda heer degaan iyo haddii mid heer Qaran tahay oo ay idinku idin doorteen si aad ugu matashaan amurahooda Soomaaliya oo dhan kala dhaxeeya sidaa darteed waa horumar weyn oo ay Soomaaliya gashay” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

“Dhismaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland, waxay keentay wax lagu farxo oo ah in siyaasiyiin badan oo idin ka mid ah in ay yimaadeen degaanadooda oo ay xildhibaano u soo doonteen kuna guuleysateen. Kaliyah doorasho maaheyn waxa ka dhacay Kismaayo ee waxaa la socday dib u heshiisiin maadaama dadkii degaanada Jubbaland ay Kismaayo isku yimaadeen, si nabad iyo dimuqraadiyad ahna isku doorteen, si la mid ah dorashooyinkaan dib u heshiisiinta la socoto waxay ka dhacayaan magaalooyinka Maamul Gobolleedka dhistay sida Baydhabo, Cadaado iyo Jowhar” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey Xildhibaanada labada Aqal.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta galinka dambe lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furo Shirka Madashada wadatashiga Qaran oo ay isugu imanayaan madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedyada dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here