Mas’uul Loo Xiray Diyaaraddii Ku Burburtay Magaalada Medellin Dalka Colombia

0

Dowladda Bolivia ayaa xabsiga dhigtay madaxii shirkaddii lahayd diyaaraddii ku burburtay dalka Colombia ee dhishay 71-da ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inta badan ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee reer Brazil ee Chapecoense.

Gustavo Vargas, oo ah Jeneraal hore oo ciidammada cirka ah ayaa loo xiray baaritaan ku saabsan burburkii diyaaradda ee ku burburtay dalka Colombia, xili hawada dalkaas ay roobab badan ay ka socdeen.

Diyaaradaan oo ay maamulaysay shirkadda yar ee diyaaraddaha ee LaMia airline ayaa kooxda u sii qaaday Colombia ka dib na waxaa ka dhamaaday shidaalkii, sida baaritaano hordhac ah ay sheegaayaan, burburka kadib waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 71-qof oo ay u badnaayeen ciyaartooda kooxda Kubada Cagta Chapecoense ee Horyaalka Brazil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here