Xeer ilaaliyaha:- Al-shabaab Waxa ay Caqabad Ku Yihiin Tayeenta Garsoorka Dowlad Goboleedyada”,+Dhageyso

0

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir oo howlo shaqo u jooga Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug  ayaa sheegay  in deegaanada Xarakada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan ay caqabad ku noqdeen tayeenta garsoorka dowlad goboleedyada dalka ka jira.

“Waan araknaa dayaca Garsoorka dalka xiligaan ka jira, aad ayaan ugu xunahay,Guddiga garsoorka Galmudug waxaa loogu baahan yahay dhibka Garsoorka haysta, xabsiyada haysta maxkamadda haysta in loo bandhigo Shacabka, Ganacsata iyo dowladda”, ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay sidoo kale in deeganada ay haatan Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galmudug dowlad goboleedka galmudug ay caqabad weyn ay ku tahay in la tayeeyo Garsoorka.

“Deeganada ay haatan gacanta ku hayaan  Xarakada Al-shabaab waa caqabada koowaad ee tayeynta garsoorka dalka, iyo in ay dowladd Goboleedyada  ka shaqeeyaan sidii loo teyeyn lahaa garsoorka dalka”,ayuu yiri mar kale Dr Axmed Cali Daahir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here