Raisulwasaare Ku-xigeenka Soomaliya oo Lagu Eedeeyay in uu Faragalin Ku Hayo Doorashada G/ Woqooyi

0

Af-hayeenka Odoyaasha Dir Waqooyi ee  Maamulka Soomaaliland  Boqor maxamed jaamac Suldaan Cumar  oo la hadlay Warbahnta Simba ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowlada Somaliya gaar ahaan xukuumadda Soomaliya ay wadaan  abaabul ay ku donayaan in ay uga qeybgalaan  dorashada xubnaha umtalaya.

Afhayeenka Odoyaasha dir Waqooyi ee Maamulka Somali-land waxa uu intaas ku daray hadalkiisa in arintaasi  u sigaar ah uga damabeeyo Raisulwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federalka Soomaliya  Maxamed Cumar Carte (Qaalib) iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan kuwaasi oo uu ku eedeyay in ay soo qorteen xubno aan ku jirin liiski ay soo gudbiyeen guddiga dorashoyinka Gobolada Woqooyi.

Afhayeen  Boqor Maxamed Jaamac oo si hadlaya ayaa tilmaamay xubnaha katirsan dowlada ee kasoo jeeda Gobolada Woqooyi  in  aysan  talo iyaga kaliyah ku laheyn in ay so jeediyaan xubnaha u tartami doona 2-aqal e baarlamaanka balse odoyasha talada ay dhankooda ay  ka leeyihin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here