Raisulwasaarihii dalka Talyaaniga Matteo Renzi ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka islamarkana warqadihii iscasilaada uu u gudbiyay madaxweynaha dalkaas Sergio Mattarella.
Sababaha uu isku casilay Raisulwasaarihii Talyaaniga Matteo Renzi ayaa lagu sheegay in uu ku guuldareystay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka wadanka,waxaana uu horay u balan qaday in hadii ay taasi soconweyso uu xilka isaga tegidoono.
Ku dhowaad boqolkiiba todobaatan muwaadiniinta talyaaniga ayaa xaq ulahaa in haftidaas ay cod kooda ka dhiibtaan,waxaana hadda soo baxday in ay ku guulaysteen qolyaha Raisulwasaaraha kasoo horjeeda ee taageersan in wax kabedel aan lagu samayn dastuurka.

