Madaxweynaha Soomaliya oo Goordhaweyd Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Goordhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiiro,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Jubba-land  kusoo dhaweeyay Madaxda maamulka Jubba-land uu ugu horeeyo madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe).

Ujeedka wafdi Madaxweynaha Soomaliya  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka dalka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyo ololaha uu mar kale ugu jiro Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  inuu ku soo laabto kursiga Madaxtinimada Soomaliya.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha la kulmi doono Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadli doono hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here