Raisulwasaaraha Talyaaniga oo Ku Dhawaaqay In Is Casilaadiisa uu u Gudbinanayo Madaxweynaha

0

Afti ku saabsaneed in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka iyo hab maamulka wadanka  talyaaniga ayaa shalay oo Axad aheed  ka dhacday dalkaas.

Raisulwasaare Matteo Renzi ayaa waxaa uu doonayay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka wadanka,waxaana uu horay u balan qaday in hadii ay taasi soconweyso uu xilka isaga tegidoono.

Ku dhowaad boqolkiiba todobaatan muwaadiniinta talyaaniga ayaa xaq ulahaa in haftidaas ay cod kooda ka dhiibtaan,waxaana hadda soo baxday in ay ku guulaysteen qolyaha Raisulwasaaraha kasoo horjeeda ee taageersan in wax kabedel aan lagu samayn dastuurka,kadib markii goobaha codbixinta soo xirmay ee latiriyay ay muujiyeen in 59.5% ay u codeeyeen in ay doonayaayn in aan wax laga bedelin dastuurka.

Matteo Renzi ayaa sheegay in uu booqan doono madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella si uu ugu gudbiyo iscasilaadiisa kadibna uu kulankii ugu dambeeyay layeesho golaha wasiirada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here