Cabsida Soomalida Ku Nool Gobolka Ohio oo Badatay Kadib Weerarkii Dhacay

0

Bulshada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Columbus  Gobolka Ohio, ee dalka Mareykanka uu kulan ku yeeshay Magaaladas ayaa cabsi badan ka muujisay weerarada kusoo badanaya dalkaas oo ay geysnayaan dhalinyaro Soomaliyeed.

Soomalida badankooda waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeyaan Laamaha amaanka dalka Mareykanka si loogu hortago dalinyarada Soomaliyeed ee weerarada ka geysta dalkaas, oo sameyn ku yeelato dadka Sooamalida.

Dhanka kale Laamaha amaanka magaalada Columbus  Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxa ay sheegeen in ay wali wadaan baaritaano ku aadan sida C/risaaq Cartan ay ugu suurta gashay in uu ku fuliyo weerarka lagu dilay 11-ka ruux.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump oo ka hadlayay weerarka dhacay ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacad ku taalla Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here